Ra’iisul Wasaare Cumar iyo Waftigiisa oo si balaaran loogu soo dhaweeyey Garoowe”SAWIRRO”

1762

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, Waftiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Dastuurka, Wasiiru dowladaha Gaashaandhiga, Wasiiro ku xigeeno, Xildhibaano iyo Lataliyayaasha qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda.

Ra’iisuL Wasaaraha iyo Waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiwali M. Cali Gaas, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakin C. Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Isimo, Ururada dhalinyarada iyo dadweyne aad u faro badan oo safnaa garoonka diyaaradaha iyo hareeraha wadooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FS iyo Madaxweynaha dowlada Puntland oo si wada jir ah saxaafada ula hadlay ayaa sheegay iney yeelan doonaan kulamo looga hadlayo adkaynta xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dowlada federaalka ah iyo wada tashi ku saabsan sida looga dhabayn karo higsiga 2016 oo muhiimad gaar ah u leh dhamaystirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xorr ah.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here