Ra’iisul wasaare Cumar oo la kulam la yeeshay madaxweynaha Jubaland

1173

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid oo maanta booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka ku meel gaarka ah ee Jubaland ayaa waxaa uu kulan la yeeshay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaan “ Axmed Madoobe” waxaana Ra’iisul wasaaraha warbixin laga siiyay xaaladaha amni iyo tan siyaasadeed ee maamulkaasi.

Mudane Cumar C/rashiid Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo kulanka ka dib la hadlay saxaafadda ayaa si aad ah ugu mahadceliyay maamulka iyo guud ahaan shacabka ku nool magaalada Kismaayo sida wanaagsan oo ay ku soo dhaweeyeen.

Ra’isulwasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in u jeedada uu Kismaayo u tagay ay qeyb ka tahay qorshiyaasha xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso in adkeynta maamulada ka jira dalka xasilinta isagoo sheegay in arimaha maamulka Jubaland uu kala hadlaayo ay kamid tahay dib  u eegista dastuurka Soomaaliya, waxaa uu sheegay Ra’iisulwasaaruhu sheegay in maalmo uu joogi doono magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan “ Axmed Madoobe” ayaa Ra’iisul wasaaraha ugu mahadceliyay booqashadiisa Kismaayo isagoo intaa ku daray in ay Ra’iisulwasaaraha kala hadli doonaan arimaha quseeya maamulka Jubaland.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here