Ra’iisul wasaare Cumar oo wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Puntland”SAWIRRO”

1878

Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo Madaxda Dawladda goboleedka Soomaaliyeed ee  Puntland ee Garoowe.

Soo dhaweynta raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya waxaa ka qeyb qaatey madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , madaxweyne ku xigeenka dawladda goboleedka  Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay , Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xasan Shire ,Wasiiro, Xildhibaano ,isimo, Haween , Dhalinyaro iyo Dadweyne aad u badnaa ku waasi oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta raysal-wasaaraha iyo wefdiga uu hogaaminayey.

Cutubyo katirsan ciidanka dawladda goboleedka Puntland iyo kooxda baambeyda Puntland ayaa waxa ay salaan Sharaf wadajir ah siiyeen Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Soo dhaweyn ka dib ayaa raysal-wasaaraha iyo wefdigaba loo soo gudbiyey aqalka madaxtooyada maamulka Puntland ee Garoowe waxana halkaasi Shir jaraa’id kuwada qabtey Madaxweyne Gaas iyo raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid.

”Waxaa Sharaf weyn noo ah in Puntland gaar ahaan Caasimadda Garoowe nagu soo booqdo Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo weftiga uu hogaaminayo oo ka kooban xukuumadda iyo baarlamaanka ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

”Raysal Wasaare Soo dhawoow Garoowe waa dalkaagi,waa dadkaagi way ku soo dhaweynayaan aad beyna shacabku kuugu faraxsan yahiin inaad noo timaado ”Ayuu yiri Madaxaweyne Gaas .

Madaxweyne Gaas ayaa qeexay in Soomaaliya maanta ay marayso meel aad u adag una baahan wada tashi in laga sameeyo sidii meeshaas looga qaadi lahaa, loona geyn lahaa halka ay istaahisho Soomaaliya oo uu burbur lixaadleh soo gaaray xiligii dagaaladi sokeeye.

” Wefdigu muddo dhowr cisho ah ayey nala joogi doonaa, waxbadan oo ka dhaxeeya dawladda Puntland iyo dawladda federaalka Soomaaliya ayaanu kawada hadli doonaa, cumarna waa markii ugu horaysay oo uu Garoowe yimaado isaga oo raysal-wasaare ah ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa madaxweynaha iyo shacabka reer Puntland uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay maanta ugu sameeyen magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

” Waan bogaadinayaa runtii sida Puntland ay ugu dadaashay xasiloonideeda, amaanka iyo nabad-gelyada kajirta, halkaana waxaanu unimi inaanu wadatashi samayno ” ayuu yiri raysal-wasaaraha dalka soomaaliya Cumar Cabdirashii.

IMG_4202 IMG_4280 IMG_4319 IMG_4323 IMG_4324 IMG_4326 IMG_4334 IMG_4339 IMG_4344 IMG_4347 IMG_4351 IMG_4353 IMG_4356 IMG_4357 IMG_4360 IMG_4371 IMG_4390 IMG_4392 IMG_4393 IMG_4397 IMG_4398 IMG_4401 IMG_4407 IMG_4409 IMG_4411 IMG_4414 IMG_4417 IMG_4423 IMG_4430 IMG_4438 IMG_4444 IMG_4447 IMG_4463 IMG_4480 IMG_4485 IMG_4492 IMG_4494 IMG_4500 IMG_4505 IMG_4510 IMG_4517 IMG_4521 IMG_4536 IMG_4551 IMG_4561 IMG_4565 IMG_4577 IMG_4587 IMG_4590 IMG_4616 IMG_4622 IMG_4626 IMG_4636 IMG_4640 IMG_4642 IMG_4645 IMG_4651 IMG_4655 IMG_4670 IMG_4672 IMG_4725 IMG_4752

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here