Ra’iisul wasaare Khayre oo Guddoomiyay shirka joogtada ah ee xakameynta Covid-19

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee guddiga Qaran ee ka hortagga iyo xakameynta Cudurka COVID19.

Kulanka oo ahaa mid dhinaca Internet-ka ah ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirrada Caafimaadka ee dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, waxaana looga hadlay dardar gelinta wacyi gelinta bulshada iyo ballaarinta awoodda dowlad gobaleedyada ee xakameynta faafitaanka COVID-19.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa dardar gelineysa wacyigelinta bulshada si looga hortago cudurka Covid-19 oo dhibaato ku haya dunida oo dhan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here