Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey Xarunta iyo Akademiyada Booliiska “SAWIRRO”

4438

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagey Xarunta Booliiska iyo Akademiyada Jeneral Kaahiye ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaalada Booliiska ay ku howlgalaan iyo inuu dardargeliyo dadaalka ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Salaan sharaf ku qaatay Xarunta Booliiska Soomaaliyeed halkaas oo uu xafiisyada kormeeray si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee booliiska. Qeybaha uu booqday waxaa ka mid ahaa qeybta CCTV, qeybta InterPol, iyo qeybaha kale ee Booliiska.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday Akademyiada Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye oo uu halkaas kula hadlay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ay ahaayeen dhallinyaro Jaamiciyiin ah oo heysta waxbarashada heerka Koowaad ee Jaamacadda, kuna dhiirigeliyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada u hayaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booliiska ku ammaanay doorkii saliimka ahaa oo ay amniga u sugeen xilligii Imtixaanada Dugsiyada Sare ay socdaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu danbeyntii Boolliska kula dardaarmay inay shacabka u adeegaan oo lagu qiimeyn doono sida ay hadba bulshada ula dhaqmaan.

Ra’iiusul Wasaare Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay in shacabka ay u soo cararaan booliiska oo ay kalsooni ku qabaan. Waxuuna ka codsaday booliiska inay qiimeeyaan heerka kalsoonida shacabka ka dibna ay la yimaadaan tallaabo kasta oo ay ku kasban karaan kalsoonida shacabka.

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. Nasro Bashir wey qaladay markey kahadleysay askarta loosoo xiray oo ey kushegtay kuwa kuso tababartay ugandha , ma ahan kuwan waa saraakil waxa soo tababaray carabinieri talyaniga kuna tababaray dalka djibouti ee warkii duhurnimo halasxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here