Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ummadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Curashada Bisha Ramadaan

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa Allah ka baryay in cudurka halista ah ee COVID-19 ii ummadda ka dul qaado.

“Bishaan aan uga faa’iideysanno Allah inaan u dhawaanno, aan uga faa’iideysanno inaan cudurkaan ka wada hor tagno”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed is cafiyaan, lana gargaaro dadka danta yar ee caawimaadda  u baahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here