Ra’iisul Wasaare Khayre oo Wasiiro u magacaabay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Ganacsiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

 

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u magacaabay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya