Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynihii Hore Ee Dalka

27

Muqdisho, September 06, 2018 –Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxwaynihii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweyihii hore ayaa iska xog-waraystay xaaladda dalka, intaa kadib ayaa ra’iisul wasaauhu waxa uu madaxwaynihii hore geeyay waaxyada kala duwan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dib u habayn ballaaran ay ka socoto.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa horay hoygiisa ugu booqday madaxwaynihii hore ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

–DHAMMAAD–

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here