Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Qatar “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed oo magaalada Dooxa booqasho ku jooga ayaa maanta booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa safaaradda ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Qatar, waxaana ay uga warbixiyeen howlaha ay bulshada u qabtaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo xubnaha la socda ayaa booqasho u jooga dalka Qatar.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here