Ra’iisul Wasaare Kheyre “Xukuumaddu way aqoonsantahay shahaadooyinka Jaamacadaha dalka”

4191

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Dowladdu ay aqoonsantahay shahaadooyinka ay bixiyaan Jaamacdaha dalka, isla markaana loo baahanyahay in sare loo qaado tayada tacliinta sare ee dalka.

 

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in bahda waxbarashada ay dalkan wax badan u soo qabteen oo ay u soo dhabar adeegeen sidii loo heli lahaa adeeg waxbarasho, isagoo intaa ku daray in Wasaaradda Waxbarashada iyo daladaha waxbarashada ay iska kaashan doonaan sidii loo tayayn lahaa tacliinta sare ee dalka.

 

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here