Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo baaq u diray bahda saxaafadda

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ku boorriyay Saxaafadda Madaxa bannaan in ay Mas’uuliyad iska saaraan difaaca dalka iyo Hubinta wararka Bixin kara Fikirka qaldan.

Maxamed Cumar Carte  Qaalib Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in ay Soomaaliya laheyn shaqsi gaar ah iyo Dowlad gaar ah oo ay soomaaliya tahay dal Ummadda oo Dhami ay leeyihiin Soomaaliya loona baahan yahay in cid waliba ay mas’uuliyad iska saarto Xasilloonida Dalka.

Saxaafadda Madaxa bannaan ayuu ka codsaday  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya   in ay ku dadaalaan xoojinta Wararka bulshada ku  Abuuri kara Xasilloonida kuna dhiirri galinaya ina dalkooda Wax u qabtaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here