Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Jabuuti

0
1466

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta waxaa uu magaalada Jabuuti uu kulan kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti mudane C/qaadir Maxamed Kaamil ayagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dalka.

Mudane Carte Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa waxaa uu warbixin ka siiyay Ra’iisul wasaare Kaamil xaaladaha amni iyo horumarineed oo ka jira Soomaaliya isagoona sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dardargelinta barnaamijka hiigsiga 2016-ka

Ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Kaamil ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ku amaanay dadaalada ay ku doonayaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto isla markaana dowladda Jabuuti ay si weyn ula dhacsan tahay howlaha ka socda Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa arimaha kale oo ay ka wadhadleen waxaa kamid ah qaxootiga ka soo cararaya dalka Yeman iyo sidii loo daryeeli lahaa, waxaana dowladda Jabuuti ay mashquul ku tahay soo dhaweynta dadka ka imaanaya dalka Yeman oo gudaha dalka Jabuuti looga sameeyay xerooyinka qaxooti.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maalinta beri ah lagu wadaa in uu kulan la yeesho madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhinaca kale gudoomiyaha Baarlamaanada dalalka Jaamacadda Carabta oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay caawiyaan dadka reer Yeman oo qaxootiga ku ah Jabuuti isagoona sheegay in dadka qaxootiga ah ay u baahan yihiin  daryeel daryeel balaaran.

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here