Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Oo Xariga Ka Jaray Fagaaraha Midnimada “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta xariga ka jaray fagaaraha Midnimada oo laga hirgeliyay xaruntii hore ee Baarlamaanka oo ah xaruntii midnimada Koonfur iyo Waqooyi.

Mudane Mahdi Guuleed oo guul taariikhi ah ku tilmaamay xarig jarka ayaa caddeeyay in fagaarahan oo astaan u ah midnimada Waqooyi iyo Koonfur uu noqon doono meel dadweynuhu ku nastaan oo dhallinyaradu ka ogaadaan midnimada iyo dadaalkii loo soo maray.

Jardiinooyika fagaaaraha ayaa lagu muujiyay sida magaalooyinka Waqooyi iyo Koonfur loo mataaneeyay xilligii ay Goballada Waqooyi iyo Koonfur ay midoobeen 1960-kii.

Munaasabadda xariga looga jarayay fagaaraha Midnimada ayaa waxaa kaloo goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) iyo ku-xigeenadiisa, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda horumarinta Dhismaha Bashiir Maxamed Jaamac iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here