Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Caabudwaaq “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xusseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayay oo oo isugu jira xubnaha labada Gole ee Dawladda Soomaaliya oo socdaal shaqo ku marayay Gobolada dalka ayaa maanta soo gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa socdaalkiisa maanta uu ku yimid Caabudwaaq waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qaariye “Qoorqoor” Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubno ka mid ah labada Gole ee Dawlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu kulamo kula qaato Muddada uu joogo Caabudwaaq Mas’uuliyiinta Galmudug, Ugaaska iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here