Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada Waxbarashada carruurta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo UK waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson, Madax iyo Mas’uuliyiin kale.