Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isagoo safiirka iyo howl wadeennada safaaradda ku dhiirigelyay xoojinta howsha ay Qaranka u hayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay safaaradda, halkaasi oo uu kula kulmay howlwadeennada, isla markaana uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xarigga ka jaray qeybo ka mid ah dhismaha safaaradda oo dib u dhis lagu sameeyay.