Ra’iisul Wasaare Rooble oo furay shir ay ka qeyb galeen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay shir ay ka qeyb galayaan saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waxaan maanta kulan muhiim la yeeshay saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, kaas oo aan ku gorfeynay hannaanka doorashooyinka dalka, sida ay nooga go’atahay qabashada doorasho daahfuran iyo muhimmadda, taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyinka dalka”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here