Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay kulan casho sharaf ah “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Midowga Musharraxiinta ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Kulanka ayaa la isku xogwareystay xaaladda uu dalku marayo, hannaanka ay u socdaan doorashooyinka iyo sidii loo dar dargelin lahaa doorashooyinka.