Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ururrada Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay xubno ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah oo uu ka dhageystay tallooyin ku aaddan sidii doorashadu u noqon lahayd mid ku dhacda jawi nabdoon oo daahfuran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ururrada Bulshada Rayidka uga warbixiyay dadaallada Xukuumadda ay ugu jirto dar dargelinta doorashooyinka Dalka, waxaana uu kula dardaarmay inay dhankooda gacan ka geystaan hirgelinta doorashada.