Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Britain

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Britain , Dominic Raab kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ,Arrimaha Amniga, xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka Soomaaliya iyo la dagaalanka aragagaxisada .

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Dowladda UK uga mahadceliyay taageerada Soomaaliya ay siiso oo leh dhinacyo kala duwan.