Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan laqaatay Wasiirka Horumarinta ee Sweden

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga kulan kula yeeshay Wasiirka Horumarinta iyo Iskaashiga ee Sweden Per Olson Fridh.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Mr Per Olson Fridh  ayaa maanta waxa ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo sii xoojinta xiriirkooda.