Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Koofur Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Faqi oo maalmahan socdaal ku joogay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka, sidii Koofur Galbeed doorka kaga aadan uga qayb qaadan lahayd inay dalka ka dhacdo doorasho hufan oo si nabadgalyo ah ku qabsoonta iyo in la xoojiyo ka wada shaqaynta  hawlaha dawliga ah ee shacabka loogu adeegayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here