Ra’iisul Wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Musharrax Xuseen Caydiid

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ahna Musharrax Xuseen Maxamed Caydiid oo ay ka wada hadleen qabsoomidda doorasho nabdoon oo daah furan, ilaalinta dowladnimada, xasilloonida iyo Nabadda dalka.

Mudane Xuseen Caydiid oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay soo dhaweynta, ayaa ku baaqay inay garab istaagaan nabadda iyo dowladnimada.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here