Ra’iisul Wasaare Rooble oo xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Wadatashi iyo gorfeyn ka dib waxaa la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada Aqal ee gobollada Waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here