Ra’iisul Wsaaraha X.F.S oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ku nool

Ra’iisul Wsaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kuwaas oo uu ugu warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka dalka ka bilowday.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa waxaa isaga iyo wafdigiisu inta ay jogaan Kenya ay kulama kala duwan la qaadan doonaan dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.