Ra’iisulwasaaraha oo  kulamo la leh waxgaradka ka qeybgalaya shirka Cadaado

0
918

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliy mudane Cumar C/rashiid oo maalintii labaad ka sugan magaalada cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa kulamo la leh qeybaha bulshada iyo waxgaradka ka qeybgalaya shirkaasi.

Kulamada Ra’iisulwasaaraha uu la leeyahay waxgaradka gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa looga golleeyahay in la xaliyo tabashooyin ka soo yeereya qaar kamid ah beelaha ka qeybgalay shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Wariye Maxamuud Cabdi Diirshe oo ka tirsan warbaahinta qaranka oo Cadaado ku sugan ayaa soo sheegaya in Ra’iisulwasaaraha kulamada uu la leeyahy waxgaradka goboladaasi dhowaan la soo geba gebeyn doono isla markaana shirka uu si hamsami leh uga sii socon doono Cadaado.

Ilaa iyo hada ma jirto beel sheegtay in ay shirka ka baxday, waxaana taasi lagu tilmaamay in ay tahay talaabo ku dayasho mudan oo muujinaysa in dadka dega gobolada Mudug iyo Galgaduud oo shirka Cadaado uu quseeya ay dulqaad iyo isu tanaasul  la yimaadeen.

Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid oo shalay gaaray magaalada Cadaado ayaa isla shalay furay wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud kaas oo dhowaan la filayo in ay soo gebagebeeyo.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here