Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

0
734

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Jubaland iyo boqolaal kamid ah dadka ku nool magaalada kismaayo.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa oo maalmahan ku sugnaa Kismaayo ayaa kamid ahaa mas’uuliyiinta soo dhaweysay wefdiga Ra’iisulwasaare cumar C/rashiid.

Wefdiga ayaa waxaa kamid ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana Ra’iisulwasaaraha uu kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta maamulka Jubaland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaasi.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here