Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ka socota shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud, Ra’iisulwasaaraha oo wefdigiisa ay kamid yihiin xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa markii ay gaareen Cadaado ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay mas’uuliyiin badan oo wefdiga ku sugayay garoonka Cadaado iyo dadweynaha key nool halkaasi qaarkood.
Cumar C/rashiid Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu furo wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana uu kulamo la leeyahay waxgaradka iyo gudiga farsamada maamulkaasi.