Ra’isul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in ay dhamaatay maalmo loo qabtay ciidanka TPLF.

Ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in sadax cisho  loo qabtay in ciidanka TPLF ay isku dhiibaan kuwa qaranka ay maanta dhamaatay.

Fariin ka soo baxday xafiiska ra’isulwasaaraha oo ku lagu gudbiyay luuqada tigreega ayaa ahayd in 72 saac ay isku dhiibaan ciidanka la qalday ee TPLF oo ay naftooda badbaadiyaan

Abiy ahmed ayaa sheegay saakay in inkastoo waqtigu ka dhacay hadana ay wali fursad heystaan dagaalyahanada TPLF in ay ciidanka isku dhiibaan

Ra’isulwasaaraha wuxuu tilmaamay in ciidanka dowladu ay qaadayaan talaabooyin kale oo sharciga lagu meel marinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here