Ra’isul wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Boonow

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa golaha shacabka kaas oo saaka ku geeriyooday magaalada Baydhabo.
“Allaha u naxariisto Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa mudaneyaasha Golaha Shacabka ayaa saaka ku geeriyooday Baydhabo. Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, naxariistii janno Allaha ugu deeqo, sabirna Allaha naga siiyo” ayuu ku yiri qoraal uu Facebook soo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here