Roobab ka da’ay Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka

0
1958

Roobka Xiliga Guga oo si weyn looga sugayay dalka Soomaaliya ayaa si wanaagsan oo lagu tiirsaday uga curtay inta badan gobalada dalka isagoo dhulka Ka fog magaalooyinka dhigay nimco iyo Xareed taasoo qeyb ka ah nimcada rabi ee uu ku maneystay noolaha oo dhan.

Magaalada Muqdisho oo maalmaha lagu gudajiray xiliga Kuleylaha ayaa subaxnimadii saakay waxaa jawi daggan uga bilaawday roobka waxaayna dadku Alle uga mahadnaqayeen barwaaqada ka soo da’aday Samada.

In kasta oo roobku farxadiisa lahaa hadane waxaa jira Qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Muqdisho kuwaas oo dhinacooda la tacaalayay dhibicda roobka oo ka soo gudbeysa dhismiyaasha ka sameysan Cooshashka  oo ay ku nool yihiin.

Dhinaca Wadooniyinka ayaa dhibaato xoog leh ay ka jirtaa iyada oo waddoyinka dib u dhiska lagu sameyay oo kaliya ay yihiin kuwa sida caadiga ah ay u wada isticmaalayeen dadweynaha iyo gaadiidka inkasta oo uu ku soo rogmanayay Bacaad ka imaanayay Wadooyinka Xaafadaha.

Halkan Waa Wadada dheer ee xariirisa Garoonka Adan Cadde iyo Isgoyska Km4 ayuu yiri wariyuhu,waxaa buux dhaafiyay biyo ka soo rogmanayay Magaalada, waxaa Buuxsamayay Bullaacaddi loogu talagalay in biyaha  ay gudbio waxana go’ay ilaa Buundada Dugsigii Hore Ee Farsamada ayna dhibaato xoogan ku qabaan isticmaalkeeda Gaadiidka Kala duwan ee Halkaasi Isaga Kala gooshayay.

Wadadan waa Wadada Debka ee gasha Suuqa Bakaaraha halkan waxa ay wadadu la go’day gaari nooca dadweynaha ah inkastoo aysan jirin cid ay waxyello ka soo gaartay, hase Yeeshee darawadalada gaadiidka ee ka shaqeya Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in loo dhiso wadooyinka burburtsan.

Roobkan ayaa ka da’ay  gobalada dalka waxana wararka laga helayo gobalada kale ee dalka ay sheegayaan Danab ku dhacday Deegaanka Hareeri caad ee gobalka Shabelaha Dhexe halkaas oo uu hal ruux ku geeriyooday magaalada muqdishana uu ay daadadku qaadeen laba caruur ah.

W/D:Ismaaciil Mukhtaar Cumar

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here