RW. Cumar oo maanta ka qayb galay kulan qado ah oo ka dhacay makhaayad ku taala xeebta Liido “Sawirro”

1
3195

Muqdihso, Feb, 06, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ka qayb galay qado sharaf uu ku marti qaaday Imaan Maxamed Yuusuf Islow, kulan kaas qadada ah ayaa ka dhacay hoteelka Beach Veiw oo ku yaala xeebta liido.

Ra’iisul Wasaaraha aya uga mahadceliyey qaban qaabiyayaasha qadada, sida wanaagsan ee ay usoo dhaweyeen martida isigu timid qadadaan, isagoona ku tilmaamay iney muujinayso ka soo qaybgalkeedu ka miro dhalinta dadaalada lagu doonayo in lagu walaaleeyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa hada muuqta rajo wanaagsan oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed ay doonayaan iney badalaan dhaqankii waayahaan danbe kala fogeeyey Soomaalida oo ahaa in qofba deegaankiisa iska joogo, waxaa hada hortayda fadhiya madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, iyo Koonfur Galbeed, waxayna tani tusaale u noqon doontaa in martiqaad kan la mid ah lagu qabto gobolada kala duwan ee dalka, loona wada hadlo si Soomaalinimo ah”

“War-murtiyeedkii maanta waxaa laga dheehan karaa in si wada jir ah loogu wada istaago sidii dalka loo gaarsiin lahaa higsiga 2016, taas oo qof walba oo Soomaaliyeed uu rajaynayo inuu arko Soomaaliya oo ay ka dhacdo doorashooyin” ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay inuu xalay soo magacaabay xukuumad kadib wadatashi dheer, kana rajaynayo baarlamaanka iney codka kalsoonida siiyaan si ay u qabsato shaqooyinka baaxada leh ee horyaala.

“Waxaa dib u dhac ku yimid howlihii dowlada, dalkuna ma sii xamili karo inuu saan ku sii socdo, xukuumadda aan soo dhisayna waa mid aan ku soo xulay karti iyo aqoon, hadii aan u wajano marxalada taagan si wada jir ah, dalkaan waxaan gaarsiin karnaa meel ka waangsan meesha uu hada marayo”

Ugu danbayntii Imaan Maxamed Yusuf Islow ayaa ka codsaday xildhibaanda baarlamaanka iney xukuumadda u fududeeyaan howlaha horyaala madaama Duubabka dhaqanku yihiin kuwii soo magacaabay xildhibaanada ayna mudan tahay iney tixgalin siiyaan codsigooda.

–DHAMAAD—
unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (9)

unnamed (10)

unnamed (11)

unnamed (12)

unnamed (13)

unnamed (14)

unnamed (15)

unnamed (16)

unnamed (17)

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. illaaheey subxaanahu watacaalaa waxoow sheegay inowsan adoomadiisa dulmin waxoow kaloo sheegay cidii khayr ka barido inoow dalabkiisa aqbalaayo. waayahaan dambe waxaa aad u badatay in soomaalidu ay afka ku haayaan duco oo aad arkayso meelo badan oo laysugu yimaado in dadku badinaayaaan ducada dadka shacabkaa oo aad arkayso iyagoo idaacadaha iyo talafishinadaba ducaynaayo in illaaheey wadanka noo dajiyo iyo in dowlada alle la jiro, taasina waa khyr ummada u soo hoyday waxeey kaloo cadeynaysaa in shacabka soomaaliyeed maanta u bislaaday inoow helo dowlad ku hogaamisa dariiqa dowladnimo.
    maanta waxaa aad iyo aad farxad u ah in madaxdii wadanka ay isugu timid caasimadeeni ayna isgarab taagan yihiin, illaaheyna waxaan weydiisaneynaa marwalba in oow quluubtoodana mideeyo garansiiyana in wadajirka iyo walaalnimadu cisadu ku jirto.

    ummad kastaahi waxeey ciso iyo xoog ku yeelataa markay wadankeeda ka jirto midnimo iyo dowlad xoog leh qabtana calam ,hal ah iyo xuduud hal ah, shacabkeeduna ka shaqeeyo garab istaaga dowladooda iyo horumarinta wadankooda, markaas ayaana caalamku qadarinayaa wadankaas,

    waxaan madaxdeena ka dalbaneynaa ineey habeen iyo dharaarba usoo jeedaan sidii ummada loo walaaleyn lahaa si wadankeenu mar labaad ugu soo noqdo sharaftoow caalamka ku lahaa.

    waxaan halkaan baaq uga dirayaa culumaa,udiinka soomaaliyeed ineey maanta doorkooda muhiimkaa qaataan ayna ummada isu soo jiidaan waayo culumada ummadu aad ayeey u qadarisaa waxaana shaki ku jirin hadii culumadu ay is urursadaan kana shaqeeyaan dib u heshiisiinta shacabka in taasi sahlanaan doonto inshaa allaah.

    waxaan illaahey ka baryaynaa in wadankeenu iska iloobo taariikhdii colaada dibna loo bilaabo deriswanaagii iyo soomaali jeceylkii berisamaadki jiray. illaaheey quluubteena ha isu soo jeediyo hana na fahamsiiyo in wadajirku sharafteena yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here