RW Khayre: Booliisku waa in uu deg deg ah u fuliyaa go’aanada Maxkamadaha

25

Kulankaan  oo ka qabsoomay xarunta taliska booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlayey horumarinta Garsoorka iyo Caadaaladda dalka iyo soo sare u qaadista kalsoonida shacabku ku qabaan  fulinta  go’aanadda Maxakamaddaha  dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumamadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyey kulankaan oo  ka qayb galay Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yusuf Ahmed, madaxa laamaha cadaaladda, Garsoorka iyo booliska, waxana looga dooday hirgalinta hananka ku dhisan calaadda iyo dar-dar galinta  fulita go’aanadda maxkmadda oo ay u xilsaaran yihiin  Ciidanka booliska  si loo soo  xoojiiyo  kalsoomida bulshada ay ku qabto Garsoorka.

Dhammaan xubnihii ka qayb galay kulanka ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in wax  laga badalo qaabka hadda ay u shaqeeyaan Garsoorka iyo booliska oo ah fuliyaasha go’aanadda, laguna dabaqo barnaamijka isla xisaabtan , taas oo meesha ka saaraysa tuhunada shacabka  ay ka qabeen  hawlaha Cadaaldda iyo Garsoorka wadanka.

Ra’iisul Wasaraha  Xukumadda federaalka Soomaaliya  oo la hadlay madaxa hay’adaha Garsoorka , Caadalada  iyo Booliska  ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay  dagaal adag kula jirto musuq maasuqa, maamul xumadda , si taa loogu guuleystana ay laf dhabar u yihiin, helista Garsoor  hufan iyo   ciidan u diyaarsan fulinta go’aanadaas.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed, sareeyo gaas, Bashir Cabdi Maxamed oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaan wax ka waydiiyey ahmiyada kulankaan  maanta uu Ra’iisul Wasaarauhu la qaatay  madaxa laamaha  Garsoorka, iyo booliska.

Kulankan uu Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya uu la qaatay  la qaatay  madaxda, hay’addaha Garsoorka, Caaladda iyo  sarakiisha ciidmada ayaa qayb ah qorshaha dar-dar galinta   horumarinta  Calaadda iyo  Garsoorka  tiir dhexaad u ah la dagaalanka musuqa mamusaqa oo ay dowladda Soomaaliyed maalmihii la soo dhaafay u soo xirtay  howl-wadeenu iyo mas’uuliyiinta  madax ka ahaa  qaar ka mid ah wasaaradaha  Xukumadda.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here