RW Rooble” Cadowgu way sii daciifayaan taag darradooda ayaana sabab u ah weerarada quusta ah”,

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya wuxu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa shacabkii xalay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii Hotel Afrik. Wuxu ahaa weerar lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed ee bir ma geydada ah. Cadowgu way sii daciifayaan, taag darradooda ayaana sabab u ah weeraradan quusta ah.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya wuxu sheegay in xukuumadda oo 3 bilood jirsatay ay waxqabadkeedii 100 ka maalmood ka jeedin doonto Golaha Baarlamaanka Talaadada 9ka bisha Febraayo 2021.

Ugu dambayn Raisal Wasaaruhu wuxu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay feejignaadaan, cadowga gudaha iyo ka dibaddana isku hal meel looga soo wada jeesto. Dowladnimada ayaa aasaas u ah nolosha Dadweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here