R/wasaaraha: “Dowladda waxa ay qaadaysaa mas’uuliyadda taabo gelinta shirka dib-u-heshiisiinta Dhuusamareeb”

1218

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu balan qaaday in Dowladda ay bixineyso qarashka ku baxaya Shirarka dib-u-heshiisiinta Goboladaas ka socda, isagoo dhanka kalena xalay kulamo la qaatay Maamulka iyo siyaasiyiinta Dhuusamareeeb ku sugan.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ka hadlayay kulanka ayaa sheegay in degmooyinka Ceeldheer iyo Galhareeri inaysan xor ahayn oo ay ka maqantay gacanta dowladda, waxaana uu xusay in gobolka ay ka dhaceen faldambiyeedyo ay gacan ka geysteen maleeshiyada Kooxda Shabaab.

“Mudane Ra’iisul wasaare waxaa noo qorsheysan in deegaannada ka harsan gobolka aan dib ula wareegno oo aan ka sifeyna cadowga Ummadda ee Shabaab, waxaana rabnaa in arrintaasi gacan nalagu siiyo” ayuu yiri Cirfo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in shirka dib-u-heshiisiinta uu gacan ka geysan doono dhismaha Maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

“Dad wada heshiiyay ayaa nidaab qabsada, marka waxaan bulshada ka codsanayaa inay xoojiyaan dadaalka ku aadan sidii loo xalin lahaa, isla markaana dib-u-heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa bulshada degta Gobollada Mudug iyo Galgaduud” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay taabo gelineyso dhameystirka shirka dib-u-heshiisiinta, isagoo intii soo agaasinta uga Mahadceliyay qabsoomidda shirka.

“Waxaan rabaa in aan idinkaga Mahadceliyo sidii aad noo soo dhaweyseen, dowladda waxa ay mas’uuliyad qaadeysa taabo gelinta shirka, waxaan bogaadinayaa duubabka iyo intii ka qeyb qaadatay qabsoomidda shirka” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waxaan maanta rabaa in aan ka hadlo arrin muhiim ah oo aad u maleyso in qorayaasha soomaaliyeed ay ka gaabiyeen ka hadalkeeda, arrintaasuna waxey ku saabsan tahay dadka dego gobalada dhexe ee soomaaliyo.
    runti anigu ma ihi qoraa laakiin waxaan ka hadlayaa waxa dareenkaygu yahay anigoo ah qof soomaali ah jecelna wanaag kastoo wadankeyga ku soo siyaado ina dhibayso wax kastoo dib u dhac ku keenaayo wadankayga iyo shacabkeyga.

    gobalada dhexe ee wadankeenu waa bartamihi wadankeena iyo isku xirki wadanka waana meel aad mihiim ugu ah wadankeena,waa meel ay dagaan beelo soomaaliyeed oo dhowr qabiil ah laakiin ay ka dhaxeyso walaalnimo soomaalinimo iyo degaan iyo xididnimo oo ayaga dhami yihiin wiil iyo abtigiis.
    marki colaadi wadankeena ka dhacday umadeeni oo dhan ayay saameysay colaadaasi gobalada dhexena dhinacooda ayey ka gaartay colaadaasi, hase ahaatee maanta oo soomaaliye dowlad yeelatay lana yiri waxaa lagu dhaqmayaa fedraal meelo badan oo wadanka ka mid ah waxeey durbadiiba ku dhawaaqeen maamulo gobaleedyo iyagoon haba yaraatee wax dadaal ah ku bixin in dadkii walaalaha ahaa heshiis dhax maro ka hor intaan maamul gobaleedyo la sameeyn, taasina waxeey sababtay horu socod la,aan iyo colaado soo noqnoqdo meelahaas waxaa ugu muhiimsan jubo land iyo maamulka beydhabo ka jiro oo muddo badan labo maamul isku haysteen, oo illaa hadana aan maqlayno beelo dhan oo aan nadaamyadaas raali ka aheyn.
    GOBALADA DHEXE.
    gobolada dhexe waxeey sameeyeen arrin aad u wanaagsan oo aan soomaalida kale sameeyn oo ah ineey diideen in maamul gobaleed loo sameeyo illaa ay heshiiyaan dadka walaalaha ah ee dhibaatadu kala gaartay waxeey dhigteen gogol waxeeyna dadaal ku bixiyeen in ay si qalbisami ah heshiis u raadiyaan waxeey muujiyeen isu tanaasul aad u qiimo badan waxeey na xasuusiyeen maahmaahdii soomaaliyeed ee aheed dagaal wiil ayaa ku dhintee wiil kuma dhasho waxaan labaatan iyo dhowr sano ka dib dareemay in dadaalka ay muujiyeen walaalaheena gobalada dhexe in soomaaliyo ay qayr ku dambeeyn doonto waxaan xasuustay hadal oow yiri madaxweynihi hore ee jabuuti 1998 mar la weydiiyay ma isleedahay soomaaliyi way heshiinaysaa waxoowna ku jawaabay maalintaan arko soomaali oo iyadu go,aansatay ineey heshiiso oo geed hoostii isla fadhiisato waan hubaa ineey heshiis rabaan.

    sida runta ah gobalada dhexe waxeey noo iftiimiyeen dariiqa saxda ah ee lagu gaari karo nabad waarto waayo wax kastoo la dhoodhoobo hadaan umadihi waxkala gaareen la heshiisiin maamulo la sameeyo waxba tari maayaan.

    hadaba dowlada soomaaliyeed maanta waxaa horteeda taal fursad dahab ah oo ay gobalada dhexe tooshka ku ifiyeen oo ah in muhiimada koowaad laga dhigo dib u heshiisiin waxaana shaki ku jirin in umadii heshiisa ay wax walba u fududaanayaan xirigii ay xiraana oow xoog yeelanaayo,hadaba dowlada sida ra,iisulwasaaruhu ka dhawaajiyay gobalada dhexe waa in dowladu u fududeyso howshaas muhiimka ah ee ay iyagu dhexdooda ka gaareen (dib u heshiisiin kadibna maamul sameeyn).
    umada soomaaliyeed meelkastoo ay joogto.
    waxaa la yiri taladii kaa maqan walaalkaa ayaa laga helaa marka maanta waxaan heysanaa tusaale ku dayasho mudan oo ay muujiyeen walaalaheena dega gobalada dhexe, waxaana waajib ah in umada soomaaliyeed aysan waqtiga iska lumin oo si dhab ah ay
    isu horfadhiistaan dadka ay wax kala gaareen si illaaheey dartiis ahna u heshiiyaan iyagoo muujinaayo dadaal badan iyo isu tanaasul
    waxaana illaaheey sheegay in suluxu waa nabad raadinta e uu qayrku ku jiro, markii la heshiiyana maamul sameyn iyo wax qaybsiba waa fududaanayaa, umadeenu waa dad walaalo ah oo wallaahi soomaali waxyaabo badan oo ay wadaagaan oo aanan caalamku nala qabin ayaa jira.
    1-dad isku diin ah.
    2-dad isku mad hab ah waayo wadamo islaam ah ayaa dhexdooda kala ah suni iyo shiico.
    3-dad isku luuqo ah.
    4- dad isku qowmiyad ah waayo wadamo ayaa qabo qowmiyado kala duwan sida singapoore waxaa isla nool hindi iyo indha yar.
    5-dad dhamaantood ah wiil iyo abtigiis.

    CULUMADA SOOMAALIYEED.
    waxaa la yiri culumadu waa dhaxalkii ambiyada umada soomaaliyeedna waa umad diinta iyo culumada jecel marka culumadeenu maanta waxeey haystaan fursad dahab ah oo aan weli soo marin intii dagaaladu dhaceen waayo dowladna waa la haystaa umaduna maanta nabad ayeey rabtaa marka culumada soomaaliyeed waxaan halkaan baaq uga dirayaa ineey maanta umadooda dhexda u xirtaan oo ay sameeystaan urur isku xiran oo aan dan qabiil iyo dano adduun toona laheeyn ee umada ku hanuuniyaan in dib loo walaaloobo lana dabar gooyo cudurka qabyaalada ee umadeeni faceed ka reebay. waxaan hubaa in umadu hadeey aragto culumo har iyo habeen usoo jeedo ee gobalada wadankoo dhan safaro ku bixinaayo in ay dhegta u raaricin doonaan culumadooda illaaheeyna ma dayaco cidii illaaheey dartiis wax u qabato.

    waxaan halkaan salaan sharaf leh uga dirayaa umada degen gobalada dhexe anigoo leh waxaad illaaheey ka bacdi na tusteen dariiqi saxda ahaa iyo in aanan waqtiga isaga lumin dhaan dabagaale aan wax ka soo baxeeyn waayo dadaalkastoo aanan ku jirin dib u heshiisiin waa dhaan dabagaale iyo mala awaal.

    illaaheey waxaan ka baryayaa inoow umadeena dhex dhigo walaalnimo iyo heshiis aan dagaal dambe ka dambeeyn inshaa allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here