R/wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

1597

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mud. Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka oo ku asteysan maanta oo ah 1-da May u diray shaqaalaha Adduunka gaar ahaan Shaqaalaha Soomaaliyeed,  isagoo ballan qaaday in xukuumaddu ay joogteen doonto xuquuqda shaqaalaha iyo kor u qaadida aqoontoodaba.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay shaqaalaha Soomaaliyeed in ay lafdhabar u yihiin Hormarka Dalka, isagoo Shaqaalaha ku booriyay in ay sii labo jibaaraan adeegyada ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumaddu ay dadaal dheeraad ah ku bixin doonto sidii shaqaalaha Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqda shaqaalaha adduunka oo kale, wuxuuna intaa raaciyay in la kordhin doono aqoonta shaqaalaha Soomaaliyeed.

Sanad kasta maanta oo kale 1-da May waxaa caalamka laga xusaa maalinta shaqaalaha adduunka, iyadoo manta ay fasax yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed si loo weyneeyo maalinta shaqaalaha adduunka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here