R/wasaaraha “Waxaan saaka ka Quraacannay Galmudug, Maantana ka qadeeynay Puntland, nabadiina waa hirgashay”+Sawirro

1
1750

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan howlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Maamullada Puntland iyo Galmudug si loo dhamaystiro heshiiskii horey loo gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga la socda ayaa ugu horeyntii saaka booqasho ku tagey dhinaca Koonfureed ee degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug. Waxana soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed, halkaas oo wafdiga loogu sameeyey quraac sharafeed ay labada Maamul ku muujinayeen ka dhabaynta nabadda deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay hoggaanka labada dhinac in ay hormuud u noqdaan soo celinta nabadda deegaanka iyo dhameynta khilaafaadka dadka ku dhaqan degmada Gaalkacyo ee labada Maamul.

“Dadka ku dhaqan Gaalkacyo waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay mar walba taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiin dadka oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday oo ay ka mid ahaayeen Madaxda Puntland, Jubbaland, iyo Galmudug ayaa waxaa qado sharaf loogu sameeyey dhinaca Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland, waxaana qadada kadib ay sheegeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug in ay diyaar u yihiin ka dhabaynta heshiiska Gaalkacyo ee dhawaan ay saxiixeen.

R/Wasaaraha ayaa ugu danbeyn sheegay in waqtigii dagaalku uu dhamaaday, waxa kaliya ee hadda loo baahan yahay ay tahay in dadku nabad ay helaan dibna ugu soo noqdaan guryahooda, isagoo labada Maamul kula dar-daarmay in ay mar walba xoojiyaan iskaashigooda.

“Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada. Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday. Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata, maanta Waxaan arkaysaan in aan ka soo quraacanay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, hadana ka qadaynayno dhinaca Puntland, waana taa midda aan halkan u nimid ee ah dadku in ay is dhex galaan, nabadduna hirgasho”.

bhg kk kkk mk uj unnamed

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Heshiiska la la galay puntland inkastoo uu bilow yahay, haddan waxaad moodaa in lagu deg degay,  Sababtoo puntland waxay si aan sharcigga wadanka waafaqsaneyndarro gacanta ugu heysata :-

    1. Eeraboorkii gaalkacyo ee shacabka mudug ka wada dhexeeyey. Airportigaasi oo si aan berri lagula xisaabtamin magacii uga bedeshay. Si ay makaniso. Waa Qaladka 1-aad ee sixidda u baahan.

    2. Cisbitaalkii magaladda gaalkacyo kii hore ee dowladda soomaliya dhistay. Maahan wax ay puntland dhisatay ama mashruuc ay iyaddu  fulizay. Oo isagana qaab qabiil gacanta puntland ugu jiro..

    3. Hantiddii shacabka gobolka mudug e.g warshadihii & goobo badan oo muhiim u ah maamulka cusub ee Gal-mudug state haddii uu fursad u helaa uga shaqo geli lahaa..maadaama uu u baahan yahay goobo uu ku shaqeeyo oo banaan.

    List waa badan yahay, mahan wax aan halkaan ku soo koobi karo..balse war & dulucdiisa..

    Midda ugu mihiimsan ee si Fiican in loo lafa guro ay ahayd… inaan MARNABA “magaladda la oran qeyb waa gal-mudug sida koonfurta gaalkacyo, qeybna waa puntland waa qeybta waqooyi.. Dunidda meel ay ka dhacdey ma jirto Hal-magaalo oo labo maamul leh.” Waa qilaaf iyo xasilooni darro yaan laga bixin.

    Sida uu sharciga wadanka qabo. Magaalo waxaa ka talin kara Hal maamul goboleed. Magaaladda si naba looma kala qeybin karo.

    Waa in wixii howlo & shaqo dowladeedd ee magaaladda loo dhaafo maamulka meesha ka jiro. Maamulka GAL-MUDUG STATE uu noqdo mid ay shacabka u siman yihiin. Si wanagsana oo Masuuliyad ku jirtana ugu shaqeeyo goobaha dadweynaha ee lagu aaminay…

    Waxay ila tahay in waqti & qarash badan la galaayo, haddii la yiraah wax weliba bilow ha laga soo bilaabo..naadama aysan jirin goobo shacabka loogu shaqeyn lahaa..oo intooda badan ay shacab degan yihiin ama qaab qabiil ah dad kale gacanta ugu jiraan…

    Ugu yaraan haddii ay gal-mudug hesho airportiga gaalkacyo. Meel wanagsan oo ay wax ka bilowdo wey heysataa..

    Weli arinta waa faanoole fari kama qodna.. laakiin Naxariista Eebbe yaan marnaba laga quusan..

    W.t

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here