R/wasaaraha XFS oo Hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

37

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xaley ku booqday Hooygiisa Madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shaley dalka dib ugu soo laabtay.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyay Xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha lagu talaabsaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo dhoweyn heer sare ah u sameysay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga XFS ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here