R/wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kictimay Dalka Norway

0
1335

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amababaxay magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto.

Oslo Forum oo ah madal caalami ah ayaa sanadkan waxaa ka soo qaybgalaya wufuud dalal badan ka socota iyo madaxda golayaasha waawayn sida xoghayaha guud ee Qaramada Mdoobay oo lagu casuumay.

Soomaaliya waxa ay shirka la tagaysaa ajandayaal ay ka mid yihiin inay dunida ku qanciso isbadalka balaaran ee ay ka samaysay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dawlad wanaagga, sida uu sheegay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wafdiga qayb ka ah.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here