R/Wasaare Khayre oo goor dhow u amba baxay Baydhabo

0
1093

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo  ayaa goor dhow ka amba baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Baydhabo.

Ujeedad socdaalka Raiisul Wasaare Khayre ayaa ah u kuurgalka xaaladaha guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xogwareysiga bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo,oo uu kula kulmayo bulshada iyo waxgaradka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kula soo kulmi doono madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaa sidoo kale lafilayaa in uu la kulmo saraakiisha iyo ciidanka Xoogga Dalka oo kusugan deegaanadaasi

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here