R/wasaare Khayre oo ka qayb galay Xaflad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayay Arday ka Qalin-jebisay Jaamacadda PSU

68

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Garowe uga qayb galay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay Arday ka qalin-jebisay kulyadaha kala duwan ee Jaamacadda PSU (Puntland State University).

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa Ardayda ku dhiirri geliyay dedaalkii ay soo hureen, wuxuuna qalin-jebiyaasha ku boorriyay in aqoontooda ay ugu adeegaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyay qalin-jebiyaasha, wuxuuna u mahadceliyay Waaliddiinta Ardayda dhashay, Dawlad Gobaleedka Puntland, maamulka iyo barayaasha Jaamacadda, isagoo sheegay in Maanta ay tahay Maalin ku wayn qalin-jebiyaasha iyo ummadda Soomaaliyeed inteeda kale.

“Idinkana waan idiin hambalyeyneynaa, waaliddiintii idinku soo dedaalayna waan u mahad celinayaa, Maanta waxa ay idiin tahay Maalin wayn, Soomaaliyana Maalin weyn ayey u tahay”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare  Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay qalin-jebiyayaasha in Soomaaliya ay dhibaata badan soo martay, hase yeeshee ay soo kabaneyso oo ay haysato dariiqa rasmiga ah ee horumarka una baahan tahay aqoon yahanno Habeen iyo Maalin usoo jeeda horumarinta Dalka, si Soomaaliya ay ula tartanto Adduunyada inteeda kale.

Aqoonyahannada Maanta la guddoonsiiyay Shahaadooyinka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu xasuusiyay in ay u qalin-jebiyeen Dal ay qabyaaladdu ka xoog badan tahay Qaran-nimada, musuq-maasuquna uu nolasha caadiga ah kamid noqday.

Wuxuuna sidaa awgeed sheegay in laga sugayo inay u fakaraan qaabka ay u fakaraan Ummadaha tartanku kala dhexeeyo, una shaqeeyaan si aan caadi ahayn si loo hagaajinayo, loona jeexo Dariiqa wanaagsn ee mustaqbalka Ummadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u rajeeyay qalin-jebiyayaasha in Shahaadooyinka ay qaateen Maanta ay noqdaan kuwii ay ku hagaajin lahaayeen Dalka oo ay ku gaarsiin lahaayeen maqaamka ay mudan tahay Soomaaliya in ay ka gaarto nolosha iyo ilbaxnimada Dunida, wuxuuna kula dardaarmay in ay aqoontooda sii kordhiyaan, maadaama Ummaduhu ay u kala fursad wanaagsan yihiin sida ay u kala aqoon badan yihiin.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here