R/wasaare Khayre oo magacaabay guddiga la socodka tartanka loo galayo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowladda

0
2743

 Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magacaabay guddi la socda tartanka loo galayo 26ka Agaasime guud ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ka kooban ilaa 11 xubnood.

Guddigan oo isugu jira mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo ururada Bulshada Rayidka  ayaa guddoon looga dhigay R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,kaasi oo shaqadiisu ay noqon doonto in uu la socdo tartanka loo galayo agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya.

11-ka Xubnood ee guddigan ayaa kala ah  5 Wasiir ,Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo 5 xubnoo oo ka kala socoda Ururada Bulshada Rayidka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay daah furnaanta maamulka Hay’adaha Dowladda.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in tartan loo gali doono xilka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya,taasi oo haatan fulinteedi ay bilwoday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here