R/wasaare Khayre oo xalay casho sharaf u sameeyey wafdigii Turkiga ka socda

656

Mudane Xasan Cali Khayre raiisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sooomaaliya ayaa xalay kulan casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey wafdigii ka socday dalka Turkiga uuna hoggaaminayay wasiirka Difaaca Dalkaasi Ulusi Akar oo shalay booqasho ku yimid Soomaaliya.

Ujeedka kulankaasi ayaa ahaa sidii loogu muujin lahaa Turkiga sida dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay ugu faraxsanyihiin xiriirka walaaltinimo iyo garab istaaga kala dhexeeya Turkiga.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golayaasha kaladuwan ee Dowladda Soomaaliya,iyadoo lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysa wadaniyada iyo dowrka Turkiga uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya,iyadoo koxda fanaaniinta Horseed ay ku qaadayeen luuqadad Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Turkiga ayaa uga mahadceliya dowladda Soomaaliya iyo Shacabka soo dhaweynta balaaran oo ay u sameeyeen,isagoo muujiyay in dowladda Turkigu ay ka go’antahay sidii ay u sii xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa dowr muuqda ku leh arrimaha Soomaaliya,iyadoo sanadkii 2011kii gurmadka ugu ballaaran ee Soomaaliya ay ka sameeyeen xiligaasi oo abaaro ay ku dhufteen inta badan gobolada Dalka

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here