R/wasaare Khayre oo xalay kormeerey qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyeen mas’uuliyiin kale ayaa xalay kormeer ku sameeyey qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho,isagoo kulamo xog wareyso ah la yeeshey qeybaha bulshada.

 

Ujeedka kormeerka Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la xiriiray u kurgalka xaaladaha ammaan ee degmooyinka iyo tan guud ee bulshada kunool degmooyinka,si uu u ogaado xaaladda dhabta ah oo ay kunoolyihiin iyo adeegyada ay helaan.

Goobaha uu tagay waxaa kamid ah degmada Hilwaa,wuxuuna raiiusl wasaaraha Soomaaliya oo kulamo kaladuwan la yeelanayay intii uu ku guda jiray kormeerkiisa qeybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha,isagoo ka dhageysanayay warbixino ku aadan hadii ay jiraan tabashooyin iyo talooyin dalka lagu horumarin karo oo ay la wadaagayeen raiiusl Wasaare Khayre.

Dadka uu la kulmay waxaa kamid ahaa odayaasha Dhaqanka iyo dhalinyarada oo xiligaasi ku caweynayay xaafadaha,kuwaasi oo ku ammaanay raiisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre sida uu fursadda u siiyay bulshada in uu talooyinka uu ka dhageysto,taasi oo ay ku tilmaameen guul la taaban karo.

Sidoo kale raiisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeerey qaar kamid ah xarumaha caafimaad ee kuyaala goobihii uu tagay,isagoo warbixin ku aadan adeegyada caafimaad oo au bulshadu ka helaan ka dhageysanayay maamulada xarumahaasi.

Talaabadan ayaa dhiirogelin u ah isku xirka wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.