R/wasaare Kheyre oo manta Xukuumadda cusub horgeynaya Baarlamaanka

Ra’iisul wasaaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa manta lagu wadaa in uu golaha Baarlamaanka horgeeyo Xukuumadda cusub ee uu uu  dhowaan soo magacaabay iyo qorshe howleedka u degsan Xukuumadda.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale maanta looga fadhiyaa in Xildhibaanada golaha Baarlamaanka uu u gudbiyo waxqabadka muddada 4-sano ah ee laga filayo Xukuumadda cusub inay ku shaqeyso.

Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here