R/wasaare Kheyrre oo kormeeray howlaha dekedda Muqdisho

2606

R/wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa markii Sagaalaad maanta kormeeray dekedda Muqdisho,  tan iyo markii loo magacaabay xilka .

Mudane Xasan Cali Kheyrre R/wasaaraha dalka ayaa kormeerkiisa ka billabay saldhigga booliiska ee dekedda, isagoo soo indha indheeyay habka uu saldhiggu u diiwaangeliyo Maraakiibta ku soo xirata Dekedda iyo badeecooyinka ka soo degaba.

R/wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidamada ka howlgala saldhiggaasi in ay sui hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, isagoo xusuusiyay baaxadda howsha u hayaan ummadda Soomaaliyeed iyo sida loogu baahnyahay iney uga soo dhalaalaan howshooda.

SIdoo kale R/wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha maamulka dekedda, iyo hannaanka cashuuraha, wuxuuna la kulmay maamulka dekedda, isagoo ku boorriyay iney kordhiyaan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here