R/wasaare Kheyrre oo xalay kormeeray xarumaha ciidamada ammaanka ee Muqdisho+ Sawirro

0
1761

R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyrre, ayaa xalay  kormeeray xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo Mas’uuliyiin kale.

R/wasaare kheyrre, ayaa intuu halkaasi ku sugnaa wuxuu la kulmay Saraakiil iyo Ciidamo Boliis ah oo heegan buuxa ugu jira sida ay uga qayb qaadan lahaayeen adkaynta Caasiamadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa xarunta Booliska waxay ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyagoo Ciidanka ammaanka faray in ay Gacan Bir ah  ku qabtaan  nabad gelyada guud ee Gobolka Banaadir  ayna u naxariistaan Dadka Shacabka ah.

R/wasaaraha ayaa u mahad celiyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida ee ka qayb qaadanaya sugiidda amniga Caasimadda Dalka, wuxuuna faray inay muujiyaan dhabar adayg iyo feejignaan dheeri ah maaddaama la guda galaya Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here