R/wasaare ku-xigeenka dalka oo hambalyo u diray Macalimiinta Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa ka hadlay xuska maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed ee 21 November.

Mudane Carteh ayaa u hambalyeeyay barayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan asagoona tilmaamay in ay muhiim u yihiin dalka.

“Maanta waa maalinta Macalinka Soomaaliyeed u asteysan, waxeyna ka shaqeynayaan howl muhiim u ah Qaranka oo ah in ay ubadkeena wax baraan; dugsiga la amaano wuxuu ku amaananyahay Macalinka wanaagsan”.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ugu baaqay Macaliimiinta Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan soo saaridda jiil aqoon leh oo dalka horumariya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here