R/Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyey R/Wasaare ku Xigeenka Turkiga “SAWIRRO”

April. 2, 2017—-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Eng. Mahdi Axmed Guuleed oo weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda an walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Veysi Kaynak.

Labada Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa wadajir u booqday xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey Gaadiid iyo agab kale oo loogu talagalay in kor loogu qaado Bilicda Caasimadda Muqdisho.

Mudane Veysi Keynak ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha ka jira dalka iyo sidii ay gacan mugleh uga geysan lahaayeen.

—-DHAMMAAD—-

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. turkiyo waa walaal dhab ah oo markasto garab taagan ummada soomaaliyeed waana illaahey mahadiis in owku siiyo walaal daacad ah oo kula qaybsado markaad dhiban tahay iyo markaad faraxsantahayba taas oo ay ku sifoobeen walaalaha turkiga.

    dowlada soomaaliyeed waa ineey ogaato ineey jiraan cadaw shisheeye iyo sokeeyaba leh oon raali ka aheeyn in ow jiro cilaqaadka soomaaliyo iyo turki,cadawgaasi waxaa dani ugu jirtaa in aysan soomaaliyo soo noqon,oo ay khayraadka soomaaliyo meel cidlo ah ka gurtaan,waxeey turkiyo ku dhibsadeena waa in ay turkiyo u istaagtay ineey soomaaliyo markale lugaheeda isku taagto.

    tukiyo waa dowlada kaliya ee garabtaagan dowladeena iyo shacabkeenaba waa dowlada aan ku faanin garab istaaga walaalahooda soomaaliyeed halheyskooduna yahay in aan walaalkeen la istaagno waa waajib waayoo walaalaheena soomaaliyeedba sidaas ayeey noo garab istaagi lahaayeen hadaan u baahano.

    waa shacab iyo dowlo isku duuban illaaheyna jecelsiiyay walaalaha muslimiinta meelkastooy joogaan waana ummad deeqsi ah oon aqoon baqiilnimada waana sifooyinka illaaheey jecelyahay

    turkiyo waxeey ogtahay in ay soomaaliyo tahay wadan leh taariikh dheer soona maray dowladnimo laakiin waayaha adduunka iyo dagaaladu dib u dhigeen,waxeey kaloo ogtahay in ay soomaaliyo kutaalo meel caalamka qaali ku ah oo hadii la garab istaago si dhaqso ah uga soo kabsan karo burburkii ka dhacay wadankeena ,sidaas darteed ayeey har iyo habeen na garab taaganyihiin,sidaas darteed waa inaan ka digtoonaano hagardaamada ay wadaan cadawgeena waana in aanku fara adeegno celaqaadka nagala dhaxeeyo walaalaheenaan qaaliga ah ee galay quluubteena hadaan nahay dowlad iyo shacabba.

    waana in aan usoo jeesano si aan u dhisano wadankeena inagoo isku duuban si aan uga faa,iideeysano waxtarka ay nala garab taagan yihiin walaalaheena turkiyo.

    illaaheey ha xifdiyo walaalaheena turkiyo wadankooda,dowladooda iyo shacabkoodaba waayoo waxeey leeyihiin cadaawo aad u faro badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here