R/wasaare Xasan Cali khayre oo booqday dhaqaawacyadii la geeyay Ankara

0
1102

R/wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booday qaar ka mid ah dakii ku dhaaawacmay Qaraxii 14 bishaan ka dhacay KM5 ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre oo booqosho rasmi ah ku jooga Dalka Turkiga kulamo kala duwana la qaatay Madaxda Dalka Turkiga ayaa booqday qaar mid ahaa dadkii dhaawacu kasoo gaaray masiibadii  horaantii bishaan Octobar ka KM5 si uu ugu guur galo xaaladda Caafimaad ee ay ku sugan yihiin.

Kormeerka R/wasaare Xasan Cali uu ku tagay Xaruumaha Caafimaad ee ku yaala Magaalada Ankara ahna Caasimadda Dalka Turkiga Dowladda Turkiga ayaa waxaa ku wehlinayay Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

R/wasaare Xasan Cali ayaa kaga mahad celiyay Dowladda Turkiga sida ay kaga qeyb qaadatay Caawinta muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Qaraxii Maleeshiyaadka nabad diidka Al shabaab 14 bishaan ka geysteen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska 14 Octobar EX Soobe kuwaasoo la geeyay Dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa ahayd Dowladdii ugu horaysay ee Gurmad Caafimaad u fidisay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka waxaana jiray in dhaawacyadii ugu badnaa loo qaaday Dalkooda.

R/wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan gaaray Dalka Turkiga isagoona inta uu joogay wadankaasi kulamo kala duwan la qaatay Dhigiisa iyo Madaxeynaha Dalka Turkiga kuwasoo ka wada hadlay xoojinta iyo adkaynta Xariirka labada Dal waa Soomaaliya iyo Turkiga.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here